DAAWO:- Imaam Soomaaliyeed oo sheegay inuu yahay laga roone

DAAWO:- Imaam Soomaaliyeed oo sheegay inuu yahay laga roone

daajis.com:- Maxeey ka dhigan tahay in adiga oo dhalinyaro ah, Muslim ah, walibo Masaajid Imaam ka ah aad ku dhawaaqdo inaad tahay (Gay), ama (Laga-roone)?.

Nur Warsame, waa Muwaadin Soomaaliyeed oo ku nool dalka Australia, sidoo kale waa Imaam Masjid si weyna looga yaqaan Jaaliyada dalkaas, waxa uu dhawaan ka dhawaajiyay hadal ka yaabiyay Soomaalida iyo Muslimiinta ku nool Australia, kadib markii uu si shaac ah u sheegay inuu yahay Gay “Laga roone”.

Asigoo wareysi siinayay shabakada Sbc, ayaa Nur waxa uu sheegay inuu in mudo ah qarinayay arintaan, balse hada uu go’aansaday inuu ku dhawaaqo inuu yahay laga-roone, sidoo kale Nur waxa uu leeyahay Xaas iyo hal Gabar.imam_somali-gay

Shabakada Sbc, ayaa maqaalkeeda maanta cinwaan ugu dhigtay “Nur waa Imaamkii ugu horeeyay ee Gay ah”.

Arinta uu ku dhawaaqay ninkan Soomaaliga ah, ayaa layaab iyo amakaak ku noqotay Jaaliyada Soomaaliyeed ee Australia, gaar ahaan qoyskii uu ka dhashay.

“Markii aan go’aansaday inaan shaaciyo arintaan, si aad ah ayaan uga sii baaraan degay ugana fiirsaday.

Soomaaliya oo ah halka uu Nur dhalasho ahaan kasoo jeedo ahna dal Islaam ah 100%, waxaa xaaraan ka ah Laga-roonayaasha iyo Guurka dadka isku jinsiga ah, sidoo kale dalalka Islaamka dhamaan waa ka xaaraan, waxaana qofkii lagu helo uu muteysan karaa xukun dil ah.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:35 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada