daajis.com:- Madaxweynaha Kenya Uhuro Kenyatta, ayaa shalay meel fagaaro ah dab ku qabadsiiyay Kumanaan Faanta Maroodiga ah oo la doonayay in sharci darro ah dibadda loogu dhoofiyo.
Tilaabadani ayaa astaan ah looga gon leeyahay in dunida lagu baraarujiya sidii loo joojin lahaa fool maroodiga.
Madaxweynaha Kenya, Uhuru Kenyatta, iyo hogaamiyayaal kale oo Afrikaan ah ayaa sheegay in ay maroodiga ka badbaadiyaan qarni guur.
Dilka maroodiga ayaa waxaa loo aaneynayaa baahida caalamiga ah ee sii kordhaysa ee loo qabo ka ganacsiga sharcidarada ah ee foolka maroodiga.
Baaritaan la sameeyey ayuu lagu sheegay in ugaarsatada maroodiga ayaa aad u sii badanayay sanadahan dambe
Balse Kenya ayaa la sheegayaa in wax weyn laga qabtay badbaadinta maroodiga









_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 15:10 and have
, Published at