daajis.com:- Runtii waa sheeko aad u xiiso badan, in Madaxweynaha Doowlada dunida aan hada ku noolnahay ugu xooga badan uu ku casheeyo $6 islamarkaasina qarashkaas uu bixiyo Milkiilaha maqaayada.
Madaxweyne Obama oo hada booqasho taariikhi ah ku jooga dalka Vietnam oo ay cadawtooyo soo jireen ah kala dhaxeyso Mareeykanka, ayaa waxaa lasoo bandhigay asigoo ka casheeynaya Maqaayad ku taal caasimada dalkaas ee Hanoi.
Cashada madaxweyne Obama ayaa noqotay $6, waxaana qarashkaas bixiyay Milkiilaha iska leh Maqaayada.
“Waxeey ahayd la yaab in Obama iyo qoyskiisa ay soo booqdaan Maqaayadeena kana cunteeyaan, runti waxeey ahayd wax aan marnaba ku riyoon” ayuu wakaalada wararka AFP u sheegay Milkiilaha Maqaaxida.
Ciidamada Sirdoonka Mareeykanka iyo kuwa ilaalada qaaska u ah Obama, ayaa xiray dhamaan wadooyinka soo gala Maqaaxida uu ka casheeynayay Madaxweynaha.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:00 and have
, Published at