Daawo:- Puntland oo si kulul u weerartay Dawlada Soomaaliya iyo Xiisad cusub

Daawo:- Puntland oo si kulul u weerartay Dawlada Soomaaliya iyo Xiisad cusub

daajis.com:- Maamulka Puntland ayaa sheegay in guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya uu dib u dhacyo ku keenay meel marinta heshiisyadii dhexmaray dowlada Federaalka iyo dowladaha xubnaha ka ah Jamhuuriyada Federaalka, waxayna Puntland sheegtay in doorashada wakhtigeeda la qabto.


“…Hadii wakhtiga Doorashada loogu talo galo dib u dhac ku yimaado, Baarlamaanka hada jira wax wakhti kordhin ah heli maayo, waxaa hawsha siiwadaya xukuumada”

Sidoo kale Puntland waxay sheegtay in Guddoonka Baarlamaanka uu wado caraqaladeyn ku aadan shirkii lagu waday inuu 25ka May ka furmo magaalada Garoowe ee looga hadli lahaa Dastuurka Qaranka, iyadoo la sheegay in hada guddoonka Baarlamaanka uu isku dayayo in kulamo kale lagu qabto magaalada Nairobi ee dalka Kenya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada