daajis.com:- Maamulka Puntland ayaa soo dhowayn Balaadhan magaalada Boosaaso ugu sameeyay Wafdi ka socda maamulka Bakool-sare oo ka shaqeeya Degmooyinka AATO, YEED IYO CEEL-BADRE , Waxaana dhowaan looga dhinac dhowaaqay Maamulka uu hogaamiyo Shariif Xasan ee Koonfur Galbeed.
Wasiirka dastuurka Puntland Cali Ciise Oog ayaa sheegay in Puntland u taageerayso maamulka Bakool sare, Markii dastuurka wax laga badalay, wuxuuna sheegay in qolo kasta meesha ay dagan tahay Nadaamsato.
Madaxwaynaha maamulka Bakool-sare Axmed Sheekh Maxamed ayaa ka warbixiyey Safarka ay joogaan Puntland, Wuxuuna ka mahad celiyey sida loogu soo dhoweeyay, Isagoo sheegay inay madaxwaynaha puntland ka socdeen inay la wadaagaan Arinta Bakool-sare oo ku timid Kacdoon dadwayne.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 22:30 and have
, Published at