daajis.com:- Magaalada Garoowe Waxaa maanta lagu qabtay Munaasabad la sheegay in loogu dabaaldegayo 25 sano guurada kasoo wareegtay markii qowmiyadaha Itoobiya iska xoreeyeen keligii taliskii Mingiste.
Munaasibadan Noocan oo kale ah ayaa dhowr jeer waxaa loogu qabtay Garoowe iyo Hargeisa iyadoona ay ku xeeran yihiin Su’aalo kala duwan, Sidoo kalana waxaa ka qayb gala madaxda maamulka Puntland.
Hadaba Waxaanu Idiin soo gudbinaynaa Su’aalo la xidhiidha Arintaan, bal jawaab u keena oo oo aynu si cilmiyeysan uga doodno!!
01. Maxay tahay ujeedka loogu qabtay dhul aan kamid ahayn dhulweynaha Itoobiya oo Soomaali xor ah leedahay?
02. Qowmiyadaha iska xoreeyey mingiste miyeynu kamid nahay mise wax kala jira?
03. Weli ma dhacday in Addis Ababa lagu qabtay munaasabad lagu weynayno 26 juun ama 15 May ee SYL?
04. Puntland maxay tahay muhiimada iyo faa’idada ugu jirta in madaxdeedu ka qeybgasho maalintan?
FG: Calankii Puntland waxa lala mid dhigay kuwa qowmiyadaha Itoobiya ee kililada …waxaase ka daran kursiga dheerna ..waa kii wakiilka Itoobiya ee Garoowe ku fariisan lahaa.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 04:30 and have
, Published at