Daawo Sawirro Cadeyn ah: Xassan Sheekh & Ismaaciil Geele oo kaalinta koowaad ka galay madaxda ugu isticmaalka badan FACEBOOK

Daawo Sawirro Cadeyn ah: Xassan Sheekh & Ismaaciil Geele oo kaalinta koowaad ka galay madaxda ugu isticmaalka badan FACEBOOK

daajis.com:- Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud iyo Madaxweynaha Dalka Jabuuti Ismaaciil Cumar Geele ayaa kaalimaha Koowaad ka galay dhanka madaxda Africa Isticmaalka Aallada Facebook iyo Twitter-ka.

Madaxweynaha Somalia Xassan Sheekh Maxamuud, ayaa wakhtigiisa inta badan ku bixiya aqrinta Webseedyada lagu qoro Afka Soomaalida isaga oo ujeedkiisa uu yahay in waxbadan uu ka ogaado Wararka Xantiisa ah ee lagu daabaco Webseedyada, gaar ahaan kuwa kusii fogaada Sirta iyo Siyaasadiisa qunyar socodka ah.

Xassan Sheekh waxaa lagu sifeeyaa inuu yahay shaqsi kalsooni ku qaba in mar waliba uu dhaayihiisa ku arko Xantiisa, isaga oo aad kaga soo horjeeda in looga sheekeeyo Khaladaadkiisa.

Xassan Sheekh waxaa sidoo kale la sheegay in inta badan uu ka tallo qaato qoraalada Webseedyada Afka Soomaalida lagu qoro, isaga oo isbedel ku sameeya xubnaha markaasi ay xanta ku badato.

Sidoo kale, Madaxweyne Ismaaciil Geele ayaa isaga jecel inuu la socdo Twitter-ka si uu u helo xogaha halkaasi lagu baahiyo.

Marka laga soo tago Twitter-ka waxa uu aad u daneeyaa Facebooga, waxa uuna ku doortay in halkaasi uu dadka reer Jabuuti dhaliishooda kala socdo.

Madaxweyne waliba ee Africaan ah mamooga naceybka ama dhaliisha loo qabo, waxa ayna ku xiran yihiin baraha bulshada, hadana maaha kuwo u danqada dadkooda.

Geesta kale, Xassan Sheekh iyo Ismaaciil Geele ayaa isticmaalka Aallada kaga badiyay kuwa dhigooda ah.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada