daajis.com:- Madaxweynaha Maamulka Puntland C/wali Gaas iyo Mas’uuliyiin ka tirsan labada Gole ee maamulkiisa ayaa isbitaal ku yaalla magaalada Jabuuti ku booqday dhaawaca Wasiirka Amniga maamulkaasi Cabdi Xirsi Cali Qarjab.
Gaas iyo mas’uuliyiinta la soctay ayaa warbixino kooban ka dhageystay Saraakiisha Isbitaalka kuwaasi oo sheegay in iminka xaalada Cabdi Xirsi Cali Qarjab ay tahay mid ka wanaagsan sidii hore.
Saraakiisha ayaa sheegtay in Cabdi Xirsi Cali Qarjab uu u baahan yahay daryeel islamarkaana uu kusii jiri doono Isbitaalka inta xaaladiisa ay iska bedeli doonto.
Cabdi Xirsi Cali Qarjab, ayaa dhankiisa Madaxweyne Gaas u sheegay in xaaladiisu ay tahay mid wanaagsan islamarkaana uu mahad u jeedinaayo eebe.
HOOS KA DAAWO SAWIRADDA



FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 07:00 and have
, Published at