daajis.com:- Ninka ugu cadcad murashaxiinta madaxwaynenimo ee xisbiga Jamhuuriga ee dalka Maraykanka Donald Trump ayaa Shiinaha ku eedeeyay in uu KUFSANAYO Maraykanka, waa dhaliil cusub oo ku wajahan siyaasada ganacsiga ee Shiinaha, wuxuuna sheegay in aysan sii wadi karin in Shiinuhu uu kufsado dalkiisa.
Isu soo bax uu ku qabtay gobolka Indiana ayuu ka sheegay in Shiinuhu uu masuul ka yahay “xatooyadii ugu waynayd ee taariikhda dunida”.
Trump oo ah ganacsade bilyaneer ah ayaa in badan Shiinaha ku eedaynayay in uu sarifka lagactiisa u adeegsanayo in alaabada uu dhoofiyo ay noqoto mid tartan ka gali karta suuqyada caalamka, Taas ayuuna ku tilmaamay in ay aad u dhaawacday Ganacsiga Maraykanka iyo shaqaalahooda.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 06:00 and have
, Published at