Daawo:- Soomaali kufsaday Haweeneey 70-jir ah oo 12 sano xabsi ah lagu xukumay

Daawo:- Soomaali kufsaday Haweeneey 70-jir ah oo 12 sano xabsi ah lagu xukumay

daajis.com:- Maxkamadda Snaresbrook Crown Court oo ku taalla magaalladda London ayaa xukun ku riday Nin Siomali oo lagu magaacabo Liibaan Cabdi oo 28 jir, kaasi oo lagu helay fal dembiyeedyo kufsi ah.

Qoraal ay Boliska u soo gudbiyeen Maxkamadda ayaa lagu sheegay inuu Ninkaasi kufsaday dhowr haween oo ay ku jirtay mid la sheegay inay da’da 70-aadka ku jirtay, isla markaana uu xodxodasho jir taabasho leh kula dhaqaaqay haweenkaasi.

Eedeysanaha oo caan ka ah Bariga London waxaa kaloo lagu soo oogay inuu Mobayl nooca iPad ka dhacay Haweeney degganayd Xaafadda Bethnal Green ee Bariga London.

Garsooraha Maxkamadda oo lagu magacaabo Grace Amakye waxay Eedeysanaha ku xukuntay Xabsi 12-sanno ah, waxayna Eedeysanaha ku tilmaamtay mid khatar badan.

Dhinaca kale, Hooyadda dhashay Eedeysanaha oo ah Aqoonyahand barata Cilmiga Dhakhtarnimadda oo ku sugnayd Maxkamadda Snaresbrook Crown Court ayaa la sheegay inay Maxkamadda ka baxday iyadoo ilmeynaysa, kadib, markii lagu dhawaaqay xukunka Wiilkeeda.

Waxaa sidoo kaloo ka wada baxay iyagoo tiiraanyeysan labo wiil iyo gabar ay walaalo yihiin Eedeysanaha la xukumay..

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 15:14 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada