daajis.com:- Dixon City Bloods waa magaca loo yaqaano koox GANGS Soomaali ah oo ka dilaacday xaafada Toronto Soomaalidu ku badan tahay ee Dixon, waxaana Kooxdan ka qeyliyey booliiska Toronto oo ku eedeeyey iney ka ganacsadaas daroogada, hubka fudud iyo kan culus. Ayagoo sidoo kale ku eedeeyey iney fal danbiyeedyo kaloo badan oo dilal toogasho ah kamid yihiin ay geystaan.
Warbixintan ayaa xusaysa mar Booliska Toronto xoog ku galeen aqalada ay Soomaalida ka degan yihiin xaafada Dixon in ay soo xidhxidheen 42 dhalinyaro gangs ah, sidoo kale waxay guryahii ka heleen Booliisku hub faro badan iyo daroogo lagu qiyaasay 3million oo dollar. Waxaa kaloo ay heleen lacag cash ah oo nus million dollar kor u dhaafaysa.
Wariyaha TV ga warbixintan diyaariyay ayaa xusay inuu isaga laftiisa yaraantiisii ku noolaan jiray mid kamid ah guryaha gangs kan degen yihiin ee Dixon Apartments. Wuxuu wariyuhu intaa ku daray in waagaas ay guryahan degenaayeen ama ku noolaayeen dad cadaan iyo hindo canadian ah iskugu jira balse Soomaalida qaxootiga hada degen yihiin ilaa waagii burburka dowladii Soomaaliyeed sanadkii 1990.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:00 and have
, Published at