Daawo Video: Talyaaniga oo soo saaray Pizza dheer, oo ka yaabsatay Caalamka

Daawo Video: Talyaaniga oo soo saaray Pizza dheer, oo ka yaabsatay Caalamka

daajis.com:- Pizza-ha Ugu Dheer Dundia oo dherarkeedu yahay, 1.8 kilometers ayaa lagu sameeyay magaalada Naples ee dalka Talyaaniga, taas oo lagu diyaariyay, muddo lix saacadood iyo 11 miridh ah, ka dibna rikoodhka Pizzaha ugu dheer dunida sidaa ku galay.


Pizzahan ayaa laga sameeyay, labo kun oo kilo oo daqiiq ah, 1600kg oo tamaadho ah, 2kun oo kilo oo subag ah, 200 litir oo saliid ah, iyo kumanaan kilo oo waxyaabaha kala duwan ee Pizza-da laga sameeyo ah, intaas oo ay diyaariyeen, 250-qof oo dadka Pizzada sameeya ah, waxaanay ka guulaysteen magaalada Milan ee isla dalka Talyaaniga oo iyadu sanad ka hor ku gashay, Guinness World Records-ka markii ay samaysay Pizze afar boqol oo mitir dherarkeedu ahaa.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:48 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada