Daawo Video: Wariye ku dhaawacmay dagaalkii Galmudug Iyo P/land oo isagoo Xabad Beerka uga jirto, Garoowe ka dhex Raadinaya C.wali Gaas

Daawo Video: Wariye ku dhaawacmay dagaalkii Galmudug Iyo P/land oo isagoo Xabad Beerka uga jirto, Garoowe ka dhex Raadinaya C.wali Gaas

daajis.com:- Wariye Kaamil Cabdulqaadir oo ka mid ah Saxafiyiinta ka hawlgeli Jiray magaalada Gaalkacyo ayaa dhaawac kasoo gaaray dagaalkii magaalada Gaalkacyo ku dhexmaray Maamulada Puntland iyo Gamudug.


Wariye Kaamil ayaa isagoo hadda ku sugan magaalada Garoowe, waxuu sheegay inuu qayb ka ahaa dhaawacyadii dawladda Soomaaliya ay u qaaday Muqdisho, waxaana intaas uu ku daray inaan waxba looga soo qaban Muqdisho, Wuxuuna sheegay inuu u dhaawacmay Puntland, una soo noqday in wax loo qabto.

”Xabad ayaa berkayga ku dhow oo wali ugu jirta, Muqdisho dhaqaatiirtii lay geeyay waxay i dheheen waxna kama qaban karno , kadibna Madaxwaynaha Puntland oo Muqdisho kasoo baxayey ayaa soo raacay, halkaan markaan imidna waan waayay cid ila kulan siisa si aa u helo kaalmo Caafimaad” Ayuu Yiri Wariye Kaamil.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 18:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada