daajis.com:- Maxkamada Ciidanka ayaa magaalada Muqdisho xukun xabsi daa’in ah ku riday Cabdiwali Maxamuud Macoow oo kamid ahaa shaqaalaha garoonka Aaden Cadde oo ay maxkamaddu sheegtay in lagu helay danbigii lagu soo oogay iyo Carays Xaashi Cabdi, kuwaasi oo la sheegay inay maleegeen qaraxii loo gaystay diyaaraddii Daalo Airline labadii bishii Febraayo ee sanadkan markaasoo ay ka duushay garoonka diyaaradaha ee Aden Cadde.
Gudoomiyaha maxkamadda darajada koobaad ee ciidammada gaashaanle sare Xasan Cali Nuur Shuute ayaa ku dhaawaqay xukunka, Sidaas oo kale sideed eedeysane ayaa lagu xukumay xabsi u dhexeeya afar sano ilaa lix bilood.
Safiyo Cabdullaahi Xasan oo ahayd gabadha kaliya ee ku jirtay dadka loo haystay dacwadaasi ayaa lagu xukumay afar sano oo xabsi ciidan ah.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 00:30 and have
, Published at