daajis.com:- Wararka inaga soo gaaraya magaalada Baladweyne ee xarunta Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in goordhaw gudaha magaaladaasi uu ka qarxay dagaal xoogan oo u dhaxeeya labo maleeshiyo beeleed oo wada dega Magaalada Baladweyne.
Dagaalkan oo la isku adeegsanayo hubka nuucyadiisa kala duwan ayaa waxa uu xoogiisa ka soconayaa Xaafada Howl-Wadaag ee galbeedka magaalada Baladweyne, waxaana dagaalka uu u dhaxeeyaa sida aan Wararkaku helnay labo maleeshiyo beeleed oo horay ugu dagaalamay magaaladaasi.
Dagaalkan ayaa la sheegay in uu qarxay kadib markii maleeshiyaad hubeysan ay dileen dad ku dhaqnaa xaafada Howlwadaag, waxaana dilkaasi ka carooday maleeshiyo kale oo beeshaasi kasoo jeedey sidaasina uu dagaalka ku qarxay.
Gancsiga iyo dhaq dhaqaaqa xaafada Howl-Wadaag ayaa hakad ku jira, iyadoo dadka qaar ay ka qaxeen guryahooda, waxaana goobaha qaar laga maqlaya rasaas culus oo ay is dhaafsanayaan labada maleeshiyo beeleed ee ku dagaalamya magaaladaasi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:00 and have
, Published at