daajis.com:- Ciidamada Boolisk Dalka Uganda ayaa heegan iyo feejignaan dheeri ah la geliayay kadib markii ay soo baxeen xogo ku aadan Weeraro la sheegay in Xarakada Al Shabaab ay la damacsan yihiin Garoonka Diyaaradaha caalamiga ah ee Entebbe ee Dalk Uganda.
Taliyaha Ciidamada Booliska, Kale Kayihura ayaa sheegay in ay haleen xogo muujinaya in Al Shabaab ay qorsheenayaan Weeraro ka dhan ah Garoonka Diyaaradaha ee Magaalada Entebbe iyo Xarumo oo muhiim u ah Dowladda Uganda.
Taliye ayaa sidoo kale sheegay in Boqolaal Askari ay u daabuli doonaan Nawaaxiga Garoonka Magaalada Entebbe iyo Xarumaha kale ee looga cabsi qabo in ay beegsadeen Ururka Al Shabaab.
Isagoo hadalkiisa sii wata ayaa waxuu sheegay in ay ka feejigan yihiin Weeraro ka yimaada Xubno ka tirsan Xarakada Al Shabaab oo ku dhuumaaleysanaya qeybo ka mid ah Dalka Uganda.
Uganda ayaa Ciidamo badan waxey ka joogaan gudaha Dalka Soomaaliya, waxaana Ciidamadaasi ay qeb ka yihiin howlgalka Midowga Afrika ee AMISOM ee lagula Dagaalamayo Ururka Al Shabaab.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:00 and have
, Published at