Eedayn La yaab leh oo loo Jeediyey ciidanka Nabad-sugida Soomaliya iyo Siday caruurta u galaan

Eedayn La yaab leh oo loo Jeediyey ciidanka Nabad-sugida Soomaliya iyo Siday caruurta u galaan

daajis.com:-  Joornaalka the Washington Post ee ka soo baxa dalka Maraykanka, kana mid ah wargeysyada ugu caansan caalamka ayaa warbixin dheer ka diyaariyay sida ay ciidamada Nabadsugida Soomaaliyeed u adeegsadaan carruurta ka soo goosata Ururka Al Shabaab.

HALKAN KA DAAWO VIDEO

Qoraalka wargeyska ayaa lagu bilaabay in sanooyin badan carruurta Soomaaliyeed ay dagaalada ku jireen, isla markaana Al-Shabaab ay ka soo ururin jireen xarumaha waxbarashada iyo garoomada lagu ciyaaro, si ay uga qeyb qaataan dagaalada dhiiga badan ku daadanayaan.

Wargeyska ayaa sidoo kale sheegay wiilasha ka soo goosta Al-Shabaab ay noqdaan kuwo ay ku shaqeystaan Hay’ada Nabadsugida Qaranka, sida ay u sheegeen qaar ka mid ah carruurtaas wargeyska Washington Post, Sidoo kalana  Marka carruurtu ay ka soo tagaan Al-Shabaab ayaa la sheegay inay gudaha u galaan dagaal kale oo sugaya, iyadoo carruurta lagu qasbo inay ka mid noqdaan ciidamada dowlada Soomaaliya.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 21:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada