daajis.com:- Waxaa ay Faah-faahine dheeri ah ay ka soo baxayaan Khasaaraha dhimashada iyo midka dhaawaca ah ee ka dhashay weerar Ismiidaamin ahaa oo saaka lagu qaaday Xarunta taraafikada oo ku taal Degmada Shangaani ee magaalada Muqdisho.
Labo ruux oo watay gaari yar oo Kaarib ah ayaa mid ka mid ah oo kaxeynayay gaariga wuxuu isku qarxiyay Afaafka hore ee xarunta Fiisho Taraafiko, iyadoo ruuxii kale isaga oo cararaya gudaha u galay xaruntaasi.
Qaraxa Baabuurka albaabka lagu dhuftay ayaa waxaa halkaasi ku dhintay Saddex ka tirsan ciidanka ilaalada wadooyinka iyo ruuxii Ismiidaamiyay ee gaariga kaxeynayay.
Ciidamada ammaanka ayaa sidoo kale gudaha Xarunta ku dhex toogtay ruuxii kale ee Shabaabka ahaa ee ka degay gaariga, sida uu Saxaafadda u sheegay C/fataax Cumar Xalane oo goobta wax ka dhaceen ugu waramay Wariyeyaasha.
Dhaawaca ka dhashay Qaraxa Ismiidaaminta ayaa tirikoobkii u danbeeyay maraya 8 ruux oo shacab iyo ciidanka Ilaalada wadooyinka isugu jira, waxaana Qaraxaasi ka dhashay bur bur soo gaaray dhismayaasha ka agdhaw goobta qaraxa uu ka dhacay.
Ururka Al Shabaab ayaa sheegtay masuuliyada Qaraxan lagu weeraray Xarunta Fiisho Taraafiko ee magaalada Muqdisho.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:00 and have
, Published at