daajis.com:- Akhristayaasheena sharafta lahoow kuna xidhan shabakada holwadaag.com oo aalaaba ka faaloota arimha bulshada dhacdooyinka iyo wararka Halkan ka akhrista 20 qodob oo aad ku kala xaqiiqsan karto jaceylka dhabta ah iyo midka maaweelada ahi.
1- Qofka sida dhabta ah wax u jeceli waxa uu u ilaaliyaa una sharfaa
lamaanaha kale ee uu jecel yahay si ka badan sida uu u daryeelo naftiisa.
2- Lamaanaha aad sida dhabta ah u jeceshahay waxa uu noqdaa ka u
danbeeya ee aad ka fikirto habeenkii iyo ka u horeeya ee aad ka fikirto
subaxii.
3- Qofka Jacaylka rasmiga ahi heleelaa si dhab ah ayuu u ilmeeyaa una ooyaa mar kasta oo uu
xasuusto lamaanaha uu u jecel yahay.
4- Mar kasta oo uu soo dhaco Tilifoonka u gaarkii waxa uu jecel yahay in uu noqdo codkii lamaanah uu sida dhabta ah u jeclaa.
5- Mar kasta oo uu soo galo qol ay dad badani ka buuxaan waxa uu ka baadi doonaa oo uu indhaha
la raacaaa in uu indhaha qac ku siiyo muuqaalka aragtida lamaanaha uu jecel yahay, Isaga/Iyada.
6- Hadii uu ogyahay halka uu joogo Lamaanaha uu jecel yahay masaafaday doonto ha jirtee wuu u
boholyoobaa waanu u tagtaa.
7- Hadii Lamanaaha aad jeceshahay uu la socdo rag ama dumar kale, waa inuu
muuqaalkiisu/muuqaalkeedu uu si gaar ah kaaga soocnaadaa bidhaan ahaan masaafo durugsan kuwa kale.
8- Marka uu ku soo eego Lamaanaha aad jeceshahay ee indhahaagu ay qabtaan indhahiisa waad
naxdaa, garaaca wadnahaaaguna si aan caadi ahayn ayuu u sii kordhaa.
9- Mar kasta waad ka fikirtaa, wax kasta oo aad aragtaa way ku xasuusiyaan jecaylkiisa/jacaylkeeda,
waxaanad jeceshahay hadal haynta iyo warka Lamaanaha aad jeceshahay, iyo maqalka
codkiisa/codkeeda iLbidhiqsi kasta.
10- Qofka jecaylku biyo dhigaa kuma dhiirado in uu si caadi ah ula hadlo Lamaanaha uu jecel yahay,
mar kasta oo uu la hadlana waxa uu dareemaa firka nax iyo Khajilaad saa’id ah kalgacal awgii.
12- Meel kasta, xilli kasta, iyo wax kasta oo uu qabanayo Qofka wax jeceli waxa qalbigiisa ka dhex
guuxa lamaanaha Isaga/Iyada uu sida runta u jecel yahay.
13- Qofka sida dhabta ah wax u jeceli waxa uu bilaabaa dhegaysiga heesaha iyo miyuusiga dabacsan ee ay ku jiraan erreyada macnaha leh ee ku dhibca Qalbiga ee ku saabsan qiimaha, qadarinta iyo xushmada Jacaylka.
14- Qofka sida dhabta ah wax u jeceli waxa uu mar kasta door bidaa in uu ka maqlo lamaanaha kaleee uu jecel yahay in uu ka badheedho jacaylka oo uu ku yidhaahdo waan ku jecelahay.
15- Hadii uu ku hayo Jacayl dhab ahi aragtida indhahaaga iyo qalbigaaga waxa aad ku lamaanaysaa Lamaanaha aad sida xaqiiqda ah u jeceshahay, mar walbana waxa aad jeclaataa ilaa xad ag joogiisa, muuqiisa, codkiisa iyo sheekadiisa Isaga/Iyada.
16- Uma quuro Qofka wax jeceli lamaanaha uu jecel yahay been, khiyaamo iyo quursi, guusha
horumarka noloshiisana waxa uu arkaa isaga oo hanta ku guulaysiga kasbashada Jacaylka Lamaanaha uu Jecel yahay.
17- Qofka wax jeceli dhamaan astaamaha midabyada bilicdasan ee quruxda iyo udgoonka u ah
Kownka sida Ubaxyada waxa uu ku taxaa Qoor gashi uu u hibeeyo in uu qoorta u sudho Luqunta
Lamanaaha uu Jecel yahay.
18- Waxa uu jeclaadaa in makhluuqa dunida ku nool oo dhami ay la jeclaadaan lana amaanaan
Lamaanaha uu jecel yahay,
19- Wakhtigiisa qaaliga ah iyo naftiisaba waxa uu u huraa Lamaanaha uu jecel yahay hadh iyo
habeenba.
20- hadii uu maqlo cid hadal haysa lamaanaha uu jecelyhay waxa uu isku dayaa in uu si buuxda u helo xogta laga tabinayo isaga oo hadii warka laga sheegayaan aanu fiicnayn dareema cidhiidhi iyo diidmo.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:00 and have
, Published at