daajis.com:- Hawlgalo ay sameeyeen ciidamada amaanka ee xukuumada Iran ayaa xabsiga lagu dhigay tiro kamid ah haweenka dharka xayeysiiya ee dalkaasi oo qaarkood la arkay sawiradooda iyagoo aan wadan Xijaabka ama madaxa u qaawan yahay.
Qaar kamid ah haweenkan ayaa la sheegay in sawiradooda lagu arkay baraha internetka iyo shabakada Instagram iyagoo madax qaawan, waxaana la sheegay inay booliiska dabagal ku sameeyeen oo ay soo qabteen.
Haweenka la xiray ayaa waxaa kamid ah gabadha lagu magacaabo Elham Arab oo caan ku ah xayeysiinta dharka arooska, waxaana loo heystaa in sawirada laga qaaday qaarkood la arkay timaheeda.
Xeer illaalinta Iran ayaan shaacin dhamaan magacyada haweenka ay danbiyada kusoo oogeen balse waxaa la sheegay in tirada ay gaareyso illaa 170 oo ay ku jiraan ugu yaraan 50 haween ah oo sawiradooda laga helay shabakada sawirada ee Instagram. Waxaan sidoo kale weli la sheegin xukunka lagu ridi doono haweenkan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 01:54 and have
, Published at