daajis.com:- Madaxweynaha Turkiga Recep Tayyib Erdogan iyo Ra’iisul Wasaarihiisa Ahmet Davutoglu oo ka wada tirsan Xisbiga talada haya ee AK Party ayaa waxaa soo kala dhex galay khilaaf xoogan, iyadoo dalka Turkiga uu galay khilaaf siyaasadeed.
Khilaafkan siyaasadeed ee uu galay dalka Turkiga ayaa saameyn weyn ku yeeshay xisbiga talada haya, iyadoo bishan uu Xisbiga AK uu dooran doono hogaan cusub.
Ra’iisul Wasaaraha Turkiga Ahmet Davugtoglu ayaa horay uga hor-yimid qorshayaal uu wato Madaxweynaha Turkiga, kaasoo ka mid ah is bedel lagu sameeyo Dastuurka.
Doorashada hogaanka sare ee Xisbiga talada haya ayaa la fileyn inuu isu soo sharaxyo Ahmed Davugtogle oo hada ah Guddoomiyaha xisbiga.
Khilaafka siyaasadeed ee uu galay Turkiga ayaa ku soo beegmaya, iyadoo Turkiga dagaal kula jiro Kooxda IS iyo Kooxda PKK, waxaana horay magaalooyinka Turkiga uga dhacay weeraro.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:29 and have
, Published at