daajis.com:- Madaxweynaha dalka Kenya Uhuru Kenyatta ayaa soo gebagabeeyay booqasho sadax maalmood ah oo uu kutagay degmooyinka wajeer,Mandheera iyo Gaarisa, Madaxweynaha ayaa magaalada Gaarisa kula hadlay hogaamiyeyaasha gobolka Waqooyi Bari Kenya wuxuuna soo hadal qaaday xasuuqii Waagala ee 1984-tii ka dhacay garoon diyaaradeed oo kuyaala duleedka magaalada Wajeer.
Xasuuqan oo la sheego in 5 kun oo nin oo Soomaali ah lagu dilay ayaa ah xasuuqii ugu xumaa abid ee kadhaca Kenya, Madaxweyynuhu wuxuu sheegay in xiligii uu xasuuqaas dhacayay uu ahaa caruur madaxweyne, sidaas darteed wuxuu soomaalida ugu baaqay inay xasuuqaas iska cafiyaan balse aysan iloobin si yasan dhacdadaas oo kale mar labaad udhicin.
Dhanka kale wuxuu ka hadlay xidhitaanka xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab wuxuuna hoosta ka xariiqay in Kenya ay albaabada isugu dhufan doonto xeryaha qaxootiga ee Dhadhaab.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 20:00 and have
, Published at