daajis.com:- John Magufuli , oo ah Madaxweynaha Tanzania ayaa ceyriyay Wasiirkii Arrimaha Gudaha Charles Kitwanga, kadib markii isagoo cabsan uu hor-tagay , su’aalana ka jawaabay.
Kitwanga ayaa noqday Wasiirkii u horeeyay ee xilka laga qaado, tan iyo markii Madaxweyne Magufuli uu gole Wasiiro cusub soo magacaabay sanadkii hore.
Qoraal ka soo baxay Xafiiska Madaxweynaha ayaa lagu sheegay in Kitwanga xilka looga qaaday, markii isagoo cabsan uu Baarlamaanka hor-tagay, su’aalana ka jawaabay oo ku saabsanaa arrimaha wasaaradda arrimaha gudaha.
John-Magufuli-640x426Wasiirka Arrimaha Gudaha Tanzania ayaa loo arkayay dadka sida aadka ah ugu dhow Madaxweyne Magufuli, waxayna aheyd layaab xil ka qaadistiisa.
Madaxweyne John Magufuli oo xilka la wareegay bishii November ee sanadkii hore ayaa balan qaaday inuu la dagaalami doono musuq maasuqa iyo dadka lunsada hantida dowladda, waxaana uu horay xilka ka qaaday Saraakiil dhowr ah oo musuq maasuq lagu eedeeyay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:30 and have
, Published at