daajis.com:- Is bedellada dhaqaale ee waaweyn ee saameeyey dhammaan daafaha dunida, tiknoolajiyadda sida xawaaraha ah u sii horumaraysa, marar badanna bedelaysa tamartii iyo shaqadii aadamaha looga baahan jiray iyo nolosha qaaliga ah ee meel kasta ka jirtaa waxa ay aad kor ugu qaadeen tirada dadka shaqo doonka ah. Sidaa awgeed qofka meel ama xafiis shaqo ka codsadaa waxa uu ku qasban yahay in uu dadaal adag ku dhaafo imtixaannada iyo in uu ka gudbo kan ugu weyn oo ah kulanka waraysiga ah ee afka qalaad lagu yidhaahdo ‘Interview’ oo cidda shaqada bixinaysaa ay su’aalo muhiim ah ku weydiinayso. Waa imtixaan dadban oo ay tahay in uu kaga adkaado dadka tirada badan ee shaqadan soo dalbaday, oo uu cidda shaqaalaynaysa tuso in uu isagu yahay kii ugu haboonaa shaqadaas, qormadan waxa aynu ku soo qaadanaynaa qaladaadka ugu badan ee uu qofka shaqa-doonka ahi galo maalintaas muhiimka ah ee dadka shaqaalaysiinayaa ay weydiinayaan su’aalaha.
Iska jir in aad xidhato dhar aan ku haboonayn kulankan oo kale. U Labbiso sida ugu xaragada badan ee haddana aanay ka muuqanayn ka badbadin iyo in aad ku talax tagtay doorashada midabbada, kuna dadaal in aad u muuqato ruux nadaafaddiisu sarrayso, labbiska yaqaanna, haddana aanay kibir iyo ka bad-badini ka muuqan.
Iska ilaali beenta: Waxa aynu maraynaa waqti horumar weyn laga sameeyey aqoonta iyo ilbaxnimada dhinaca shaqooyinka, sidaa awgeed iska jir in aad ruuxa ku shaqaalaysiinayso u sheegato shaqo aanad aqoon badan u lahayn, ama in aad xirado badsato, gaar ahaan marka aad ka waramayso shaqooyinka aad hore u soo qabatay. Sidoo kale ha ka been sheegin waxbarashadaada, tababarrada aad soo qaadatay, shahaadooyinka aad haysato. Waxa aad ogaataa in beentu ay dhaqso u fashilanto, in indhahaaga beenta aad sheegayso laga akhrisan karo ama maalmo yar gudahood ay soo bixi doonto, haddii aad shaqadaa ku guulaysato, taasina ay kugu keento iyada oo lagu arko beenaale oo ixtiraamkii aad mudnayd hoos loo dhigo ama shaqadaada kalsoonida lagala noqdo.
Iska jir in aad eedo u jeediso maamulahaagii hore: Waxaa hubaal ah in aanu qofna jeclayn ruux af xun ama si aan anshaxa fiican waafaqsanayn wax uga sheega guud ahaan dadka, gaar ahaanna madaxda shaqada ku maamusha. Muddada aad waraysiga ku jirto waxa aad niyadda ku haysaa in aan la jeclayn ruuxa xumaanta dadka kale ka warama, sidaa awgeed waxa aad ku dadaashaa in muddada aad wararysiga ku jirto aad carrabkaaga ka dhowrto aflagaadada iyo eedaynta dadkii aad hore u soo wada shaqayseen ama aad u shaqayn jirtay, ka dheeroow in aad wax xumaan ah ka sheegto maamulahaagii hore, xataa haddii ay run tahay in uu ku xumeeyey. Ku ekow ereyo dhex dhexaadnimo iyo anshax ka muuqdaan, haddii kale waxaa lagaa qaadanayaa faham ah in aad tahay ruux aan lala shaqayn karayn ama in la raalli geliyaa ay adag tahay.

Kalgacalka Saayidka ah: Qof kastaa waxa uu jecel yahay in fahamka koowaad ee dabeecaddiisa laga qaadanayaa uu noqdo mid wanaagsan oo dadka soo jiita, laakiin iska jir in aad ku talax tago dadaalka aad ku doonayso in aad ku soo jiidato qalbiga dadka aad u shaqayn doonto ee su’aalaha tooska ah kula leh. Ha isku daalin in aad qofkan tusto inaad tahay ruux kalgacal badan oo aad u dhibirsan. Waa sax in aad ku dadaasho in qofkan aad mar kasta ugu yeedho, “Mudane/Marwo” iyo ereyo ixtiraam ku jiro, ula macaamil si deggen oo anshax iyo akhlaaq fiicani ka muuqato, iska jir in aad isku daydo in kulankan aad ka muujiso furfurnaantaada iyo in aad tahay ruux kaftan badan. Ku dadaal in aad mar kasta ahaato qof aan dhayal iyo kaftan u jeedin, jawaabahaaguna ha noqdaan kuwoo si toos ah u beegsanaya su’aalaha lagu weydiinayo oo aan araar dheer lahayn.
Ka fogow hadalka badan: Waxaa fikir qaldan oo dad badani aamineen ah in waraysiga laguula yeelanayaa dhammaantii uu adiga kugu wada saabsanayn. Kulanka waraysigu waa fursad aad adiga qudhaadu xog dheeraad ah kaga heli karto shirkadda ama hay’addan laga yaabo in aad shaqaalaheeda ka mid noqoto. Sidaa awgeed naftaada waa in kulanka ka hor aad ku tababarto oo aad u sii diyaariso in aad qudhaadu su’aalo anshax ku dhisan weydiiso cidda waraysiga kula leh. Si fiican u dhegeyso ruuxa waraysiga kaa qaadayaa, marka uu kuu sharraayo shirkadda ama hay’adda, qaabka ay u shaqayso, iyo himiooyinkeeda, markaa kadib su’aalo aad u kooban oo arrintan lafteeda ku aaddan weydii. Laakiin iska jir in aad hadalka badiso ama su’aalo aan kala joogsanayn aad dabada isugu qabato, waayo waxaa lagaa fahmayaa fikir ah in aad tahay ruux hadalkiisu uu ka badan yahay waqtiga uu dhegeysiga siiyo.
Iska jir arrimo uu qofka ku waraysanayaa dhaqso u fahmi karo in aanad xog fiican ka haynin ama warka aad ka haysaa qaldan yahay, si aan laguugu qaadan af-miishaar, iyo ruux jecel in uu wax kasta isagu ka arrimiyo, ama jaahil isu haysta in uu wax kasta yaqaanno.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:30 and have
, Published at