daajis.com:- Shirkadaha wax Turjuma iyo turjumaanada gobolka Minnesota ayaa isku mawqif ka taagan, sharciga cusub ee dhawaan la horgeeyey golaha sharci dejinta, sharcigaas oo ay ka danbeeyaan Sahra Noor oo ah gabar somaliyeed oo madax ka ah rug caafimaad oo la yiraahdo People’s Center oo ku taal Minneapolis, iyo Group loo yaqaan ISG,.
Sahra Noor ayaa ku caan baxday in ay bahdil iyo dagaal joogto ah ku hayso turjubaanada khaasatan somalida. Waxayna ku tilmaantaa dad aqoon iyo garasho liita,
Waxaa kale ooy ku dooday in sharcigaan ama mooshinkaan lagu sii adkeeyo turjumaanada, iyadoon wax lacag kordhin ah loo samayn.
Sahra Noor ayaa iyadu la dhalatay Ilhan Omar oo ah gabadha Somaliyeed ee u tartamasa state Representative xaafada somalidu ku badan tahay ee 60B
Arintaan ay ilhan walaasheed samaysay ayaa waxaa aad uga carooday somalida ku nool gobolka Minnesota taasoo laga yaabo inay dhibaato ku keento doorashadeeda iyadoo awalba aan haysan kalsoonid shacab badan ayaa hadana waxay niyad jab ku keentay intii yarayd ee taageersanayd.
Ugu dambeyn Soomaalida ku nool Minnesota, ayaa qorsheynayaa banaanbax ballaaran oo ay kaga soo horjeedaan Ficilada Sahra Noor.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 19:30 and have
, Published at