MUUQAAL:- Baarlamaanka oo Kulan deg deg ah ka leh, Xil ka qaadista Gudoomiyihii Maxkamada sare ee dalka

MUUQAAL:- Baarlamaanka oo Kulan deg deg ah ka leh, Xil ka qaadista Gudoomiyihii Maxkamada sare ee dalka

daajis.com:- Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ayaa maanta oo khamiis ah yeelanaya kulan deg deg ah oo ku saabsan xil ka qaadistii shalay uu Madaxweyne Xasan Sheekh ku sameeyay Guddoomiyihii Maxkamadda sare ee dalka Avv. Ceydiid Ilka-Xanaf.

Kulankan ayaa waxaa iclaamiyay Guddoonka Baarlamaanka, iyadoo maalinta khamiista aanay inta badan Baarlamaanka wax kulan ah laheyn, Xildhibaanada ayaa fariin qoraaleed lagu wargeliyay inay ka soo qeyb galaan kulankan deg dega.

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka ayaa ka soo hor-jeestay xil ka qaadista Madaxweynuhu ku sameeyay Guddoomiyaha Maxkamadda sare, waxaana tani ay keeni kartaa khilaaf siyaasadeed, xilligan kala guurka ah.

Khilaafyada siyaasadeed ee ku saleysan awoodaha sharciga ayaa waxay aheyd mid soo jireen ah, marka la galo xilli kala guur ah.


Lama oga go’aanka Xildhibaanada qaadan doonaan, balse waxay noqon kartaa arrin saameyn weyn yeelata, marka la eego sida Xildhibaanada uga fal celinayaan sababta xilligan loogu soo beegay xil ka qaadista Guddoomiyihii Maxkamadda sare.

Xil ka qaadista Guddoomiyihii Maxkamadda sare iyo magacaabista Guddoomiyaha cusub ayaa ku soo aadaya, iyadoo dowladda Federaalka ay muddo saddex bil u harsan tahay xilligeeda.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:27 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada