daajis.com:- Shacabka magaalada muqdisho ayaa maanta si cadho badan uga hadlay Xilka qaadistii Madaxwayne Xasan sheekh uu ku sameeyay Gudoomiyihii Maxkamada Sare ee Soomaaliya iyagoo soo dhoweeyay, Waxayna ku tilmaaneen Caydiid Ilko Xanaf inuu ahaa Khiyaanoole Hantidii Bulshada afka u dhigtay.
Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shalay xilka ka qaaday Guddoomiyihii Maxkamadda sare Ceydiid Ilka-Xanaf, isagoo u magacaabay xilkaas Ibraahim Iidle Saleebaan oo todobaadkii hore iska casilay xilkii Garyaqaanka Guud ee maamulka Somaliland.
Qaar ka mid ah Xildhibaanada ayaa sharci darro ku tilmaamay xil ka qaadista Madaxweynaha uu ku sameeyay Ceydiid Ilka-Xanaf, waxaana ay tilmaameen in aanu waafaqsaneyn dastuurka habka loo maray xil ka qaadista, Sidoo kala Kulankii deg dega ahaa ee Baarlamaanka Soomaaliya uu ka yeelan lahaa xil ka qaadistii Ilko-Xanaf ayaa u baaqday kooram la’aan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 17:00 and have
, Published at