MUUQAAL: Hadalkii C.kariim Guuuleed Ka Jeediyey Jig-Jiga iyo Mooshin Xilka Looga qaadayo Iyo Dhaantadii (Daawo)

MUUQAAL: Hadalkii C.kariim Guuuleed Ka Jeediyey Jig-Jiga iyo Mooshin Xilka Looga qaadayo Iyo Dhaantadii (Daawo)

daajis.com:- Xildhibaanada baarlamanka Galmudug ayaa diyaariyey mooshin xilka looga qaadayo madaxweynaha maamulkaas Cabdikariim Xuseen Guuleed, Iyadoo xildhibaanno dhowr iyo soddon ah oo mooshinkan ku diyaariyey magaalada Muqdisho ay maanta u baxayaan magaalada Cadaado, waxayna ku biirayaan dhowr iyo labaatan xildhibaan oo kale oo ku sugan Cadaado

Mooshinka Xil ka qaadista Cabdikariim Guuleed ayaa waxaa sabab u ah dhowr arrimood oo ay ka mid yihiin inuu ku
guul darreystay isku keenidda dhammaan dadka Galmudug iyo deegaanada ka maqan gacanta maamulka, iyo inuu soo dhisi waayey xukuumad tayo leh, wuxuuna sidoo kale uu noqday madaxweyne maqane ah, isaga oo inta badan ku sugan magaalada Muqdisho.

Sidoo kale  waxaa la sheegay in  Xildhibaanadu ka cadhoodeen markii uu Guuleed Gaadhay magaalada Jiga, xilli dhowaan dagaalo dad badan ku dhinteen ay dhexmareen Ciidamada Liyuu Booliska iyo Shacab kasoo Jeeda Galmudug.


Madaxwaynaha Galmudug ayaa ku sugan magaalada Jigjiga ayaa halkaasi kulamo kula qaatay madaxwaynaha dawlada deegaanka Soomalida Itoobiya, Iyadoona kulanka kadib Halkaasi madaxdu ay dhaanto ku wada ciyaareen.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 05:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada