Nin Asal ahaan ka soo Jeeda Dalka Pakistaan oo Noqday Duqa Magaalada LONDON (VIDEO)

Nin Asal ahaan ka soo Jeeda Dalka Pakistaan oo Noqday Duqa Magaalada LONDON (VIDEO)

daajis.com:- Tartankii codadka ee Natiijada doorashada duqa magaalada Londan ayaa gabagabeeyay, waxaana hadana la rumeysan yahay in duqa magaalada London uu markii ugu horeeyay noqonaayo nin Muslim ah.

Duqa magaalada London ee guuleystay ayaa waxaa lagu magacaabaa Sadiq Khan oo ahaa musharaxa xisbiga shaqaalaha Britain ee (labor party).


Duqa magaalada London Sadiq Khan, waxa uu noqonayaa duqii ugu horreeyey ee ka soo jeeda dal Muslim ah ee ay yeelato magaalo weyn oo ku taalla Galbeedka qaaradda Yurub, waxa ayna saaxiibadiisa sheegayaan in Sadiq Khan uu yahay nin howlkar ah oo loo magacaabay Shaqadii ku habooneyd.

Codadka uu helay Sadiq Khan ayaa gaarayay 57%, halka shaqsiga la loolamaayayna oo lagu magacaabo Zak Goldsmith uu ka helay codad gaaraya 43%.

Dadka Muslimiinta ah ee ku nool dalka Ingariiska ayaa waxa ay lama filaan ku noqotay guusha Sadiq Khan oo ah nin asal ahaan ka soo jeeda dalka Pakistan hadana Muslim ah oo ka soo jeeday qoys danyar ah.

Sadiq Khan aabihiis ayaa la sheegay inuu ahaa nin Darawal ka ah Basaska Ka dhex shaqeeya magaalada London.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 23:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada