Ninkaada Ma Yahay Mid Aamusnaan Badan Oo Qaboow ? Hab Nin Fur Furan Uga Dhigi Karto Ayaa laguu Hayaa.

Ninkaada Ma Yahay Mid Aamusnaan Badan Oo Qaboow ? Hab Nin Fur Furan Uga Dhigi Karto Ayaa laguu Hayaa.

daajis.com:-Haweenka ayaa aad u neceb ninka degan ee aadka u qaboow balse weli hal maalin maku fikirtay habka loola tacaamulo ninka noocaas ah , mana ka heshaa ninka qaboowga badan ?.

Haddii aad ka mid tahay haweenka la jooga ninka noocaas ah ee dhibsaneysa sifadaas waxaan ku haynaa taooyin dhowr ah oo aad kula dhaqmi karto ninkaas .

* Haka ganuunicin qaboowgiisa dadka hortooda , taas badelkeeda dareensii in uu yahay mid ka mid ah ragga dabeecadahooda la jecel yahay , habkaas waxa



uu ku bilaabayaa in uu ka baxo habkaas , xittaa haddii ay waqti ku qaadato ugu dambeyn ujeedkaada waad gaareysaa.

* Isku day in aad la furto mowduucyada isaga kicinaya kuna jiidaya in uu la hadlo adiga iyo dadka kale , sii waddo uu ku muujiyo waxa uu yahay hana ka jarin hadalka kuna taageer waxa uu leeyahay hana isku dayin in aad sheekada ku qabsato.

* U sharax in dadka dabeecadahooda kaa duwan duwan tahay taasina dadka ka hor istaageyn in ay isu soo dhawaadaan.

* Isku day in aad si degan sharaxaad uga hesho oo ku aadan qaboowgiisa in uu yahay mid la xariira xishood dadka uu ka qabo waxa kale daajis.com ku leedahay weydii ama in uu yahay xanun nafsiyan ah oo horay u soo qabsaday , marka aad ogaato sababta waad ogaan kartaa daawada iyo sida aad ula dhaqmeyso .

* Waxaad badisaa in aad wada aadaan musnaasabadaha bulsahada kale si ninkaada uu u noqdo mid fur furan oo qaboownimada ka baxay .

* Si waliba oo ay ahaato arintaan si caqliyeeysan ula tacaamul oo haku ganuunicin ogoow jaceylka wada jirka waxa keenaya in la aqbalo tilmaamaha qof kale ee nolosha lala wadaagayo .

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 13:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada