daajis.com:- Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka dhacay shir ballaaran oo ay isugu imaaden Isimada iyo Odayaal dhaqameedka ka soo jeeda Beesha Hawiye, Kuwaasi oo kasoo horjeeday qodobadii ka soo baxay shirkii Madasha wadatashiga Qaran ee lagu soo gaba gabeeyay Magaalada Muqdisho, iyagoo siwayn ugu dooday Xaquuqda Gobolka Banaadir, Odayaasha shirka ka hadlay ayaa waxaa kamid ahaa Axmed Diiri iyo Nabadoon Maxamed Xasan XAAD.
Sidoo kale, waxaa shirka ka hadlay Imaam Maxamud Yuusuf oo ka mid ah Imaamyada Soomaaliyeed ee ku nool Gobolka Banaadir, waxa uuna DFS ku eedeeyay inay u kala eexaneyso dadkeeda, isaga oo Madaxweyne Xasan, Sharmaarke iyo Jawaari ugu baaqay inay la imaadan wax lagu wada qanco ama ay dib ula laabtaan dibin‐daabooyinka ay Gobolka Banaadir u maleegayaan, Waxaana sidoo kale Fariin adag loo diray Ajaanibta ku nool dalka iyagoo Xusay inay dhigi doonaan Banaanbax.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 02:30 and have
, Published at