Ra’iisul wasaaraha oo guddi u magacaabay fadeexadii ay Washington post ka faafisay NISA

Ra’iisul wasaaraha oo guddi u magacaabay fadeexadii ay Washington post ka faafisay NISA

daajis.com:- Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya Mudane Cumar Cabdirashiid Sharmarke ayaa guddi xaqiiqo raadin ah u magacaabay eedo loo jeediyay hay’addaha amniga dalka.

Guddigan oo ah guddi heer wasiir ah ayaa ka kooban 4 xubnood oo kala ah.

1. Wasiirka Wasaaradda Cadaalada Mudane Cabdullaahi Axmad Jaamac (Ilka-jiir)2. Wasiirka Wasaaradda Arr. Gudaha iyo Federaalka Mudane Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowaa3. Wasiira Wasaaradda Amniga Mudane Cabdirisaaq Cumar Maxamed4. Taliyaha Ciidanka Asluubta Gen. Bashiir Maxamed Jaamac

Guddigan ayaa soo baari doona wararka la xiriira adeegsiga dhalinyaro yar yar oo ka soo baxsaday kooxaha nabadiidka ah ee Al shabaab oo hay’addaha anmnigu u adeegsaeen inay u Basaasaan xogna uga keenaan Al shabaabka, sida lagu daabacay wargeysyada qaar.

Xukuumada Federaalka Soomaaliya, waxa ay cafis u fidisay dhalinyarada la qalday ee ka soo baxsada kooxaha nabadda diidan ee Al shabaab oo u adeegsada caruurta falal qaribaad ah, naftoodana lagu haligo, waxa ayna taakuleyn siisay dhalinyaro badan oo ka soo baxsaday Al shabaabka kadib markii ay garowsadeen in dhaqamada kooxdani uu yahay mid ka hor imaanaya Diinta Islaamka, Nabadda iyo dowladnimada Soomaaliya.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 17:44 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada