daajis.com:- Filsan iyo Fu’aad iyagoo sheeko sidaa aan u buurnayn u baxayso laguse sii jeedo muuqaal aragga) (Telefishinka)( ayaa la fadhiyaa qolka fadhiga, waa goor casar gaab ah laba koob oo shaah casiriyo ah ay ka laaceen ayaa miiska hortooda yaal saaran, Fu’aad wuxuu gacanta bidix ku hayaa fogaan-hagaha (remote Telefishinka) waxaase dhawr jeer ka codsatay in uu u soo gubdiyo fogaan-hagaha (remote-ka) Filsan si ay uggu fiirsto filim Musalsal ah oo ay la socoto baahintiisa kaasi oo ay daawan jirtey intii aanu soo aroosin Fu’aad 10 cisho ka hor.
Fu’aad dalka dib uguma laaban mudo 30 sano ah waxaa ugu dambeysay xilligii ay shaqeynaysay diyaaradii Somali Airlines oo uu ka soo raacay garoonka diyaaradaha Muqdisho, xilligaasi oo uu wasaaraddii uu ka shaqeynayay waxbarasho ugu soo dirtay wadanka Roomaaniya.
Filsan iyadu sanadkii 20-aad bilooyin ayaa u wehliya, guurka Fu’aad iyadu mid ay danteeda u doorbiday iyo dookh ay iyadu ciyaartay ma ahayn, Aabaheed oo shilimaadka Fu’aad qurbaha kala u beenshaagay ayaa gabadhiisa luqunta u galiyey nin dhali kara oo bidaartu tahay Frankfort Airport (Ragga bidaarta leh ha iga raali ahaadaan).
Hooyadeed Caasilo raali kama ahayn guurka Filsan lagu daray Fu’aad, waxayse go’aankeeda dib ula laabatey mar haddii Xaaji Cawaale uu mowqif cad iska taagay in gabadhiisa ay gaartey xilligii guurka ,Fu’aad-nna yahay ruuxa ku haboon isagoo ulla soo geed fariistey maahmaada “Ninweyn ayaa ku dhaqi kara”, wuxuu kaloo ku sii goodiyey in haddii Filsan aan loo guurin Fu’aad uu halis ku jiro mustaqbalkeeda aynna fooda isku leefi doonaan wax Oday Cawaale uggu yeeray wiil ciyaal food-dheere ah oo hooyadiis canjeelada iyo saliid macsarada subixii u kiciso.
Fu’aad fogaan-hagihii ayuu inta miiska saaray Filsan xaggeeda u soo riixay iyaduna halhaleen ayay inta ku daftey waxay Muuqaal aragii gaysatay filimkii ay xiisanaysay oo goor sii horeysay bilowday, hadal la isma oran Filsan fadhiga inta hagaagsatay oo kursiga geeskiisa gacanta bidix xusulka saaratay caalacashana garka ku cuksatay ayay luganaha isa-saaratay.
Fu’aad waxoogaa xurmo ah ayuu iska doondoonayaa oo ma doonayo in uu ka qaso Filsan filimka ay u jidbaysan tahay, inta istaagay ayuu u dhaqaaqay xagga daaqada qolka inta daaha wax yar ka qaaday ayuu u jeedaa cid daris la ah oo gurigiisa uu ku dhegan yahay gurigooda cariishka ah, labada guri way kala hooseeyaan waxaa u muuqata Fu’aad Aabaha cidda dariska lah oo ku fadhiya Salli aynna dushiisa ku ciyaarayaan dhawr caruur ah oo uu dhalay, hooyaduna aanay meel ka dheerayn fadhido, waxaa ka muuqata farxad iyo jacayl waxay ku qanacsan yihiin nolasha ay ku sugan yihiin, balse Fu’aad waxaa ka maqan farxadaas xaaska ay is-arooseen mudada labada todobaad ka yar sheekadu waa u kooban tahay farxad badan ma jirto faro-ka-ciyaarnna warkiisaba daa.
Isagoo sidii u eegaya qoyska saboolka ah ee farxadu ka muuqato ayaa waxaa Fogaal hadalkii (Telefoonkii) Filsan ka shanqartey fariin qoraaleed, si deg deg ah ayay Filsan ugu faroorsatay fariintii oo way akhrinaysaa.
Fu’aad ayaa ka soo dhaqaaqay xaggii daaqada uu taagnaa wuxuuna kurigisii ay fadhiday Filsan uu kaga fariistey geeska isagoo wali si fiican u saldhigin ayuu dareemay illin ka soo daadanaya indhaha Filsan iyadoo isku dayaysa inay tirtirto ilinta ayaa Fu’aad wuxuu gacanta ka saarayaa garabka bidix wuxuu leeyahay “Filsan maxaa kugu dhacay? Maxaa laguu soo sheegay oo kaa oohiyiey? Ma dhib ayaa jira?.
Intaasi oo su’aalo ayuu is-daba-dhigay Fu’aad, laakiin Filsan si la yaab leh ayay ugu jawaabtay Fu’aad waliba aanu malaysan karin waxay leedahay “Wax dhib ah ma jiree Waxaa ii soo qortay fariin qoraaleed gabadhii saaxiibadda aa ahayn ee malxiiska ii ahayd oo waxay leedahay casho ayaan sameynayaa oo indhaha ayaa waxaa iga gashay Basal, aniguna waan la ilmeeyey ilayn waa saaxiibtey’e”. Fu’aad wuxuu u qaatay daacad hadalka Filsan laakiin meesha sheeko kale ayaa ka socota.
Filsan fariin qoraaleedka waxaa u soo qoray Anwar oo ay saaxiibo ahaayeen mudo dheerna ay wada socdeen illaa iyo dugsiga dhexe ay si gaar ah isuggu xirnaayeen, wuxuu u soo qoray fariin dhiiga dhaqaajisey dhuuxana kicisay,qalbiga gariirisay wuxuu leeyahay.
“Waxaan dareemayaa xilligan inay kuu tahay galab farxad leh oo aad hoosta uga lamaansan tahay ninka aad igga dooratey, waqtiga iyo waayuhu way igga hiiliyeen waxaynna iigga hiiliyeen nin iga wayn oo u dhali kara oo lacag awgeed iigga qaaday mataantii qalbiga ee aan jeclaa, wax eed ah adiga kuuma hayo, waxaanse eedda uu hayaa Aabahaa oo I kaa dhaafiyey, iggana door biday shilimaad, nolashayda waligay kuma ilaawayso, si kasta oo aad u noqotey xaas lagama yaabo inaan haweysto gabar kale, waxaan jeclaan lahaa inaan arko adiga oo xor ah oo madaxbanaan oo aan kula aqal gali karo xitaa anagoo 70 sano jir ah, isaga jir farxadaada aad la wadaagayso ninkaaga aniguna ayaankay”.
Fariintaasi uu Anwar u soo qoray Filsan ilmadii ay ka keentay waxay Filsan ugu badashay Fu’aad basal ay jarjarsayso gabar saaxiibteed ah oo ay la xanuunsatay, waayo ma doonayso inay guurkeeda cusub haba ku farxad la’aanaatee inay burburiso oo ay iyadoo 21 sano aan gaarin ay furiin madaxa la gasho.

Macnaha sheekadda ay inoo tilmaamayso waa sida ay u caaqibo xun tahay guurka dadka aan isfahamaysan qoorta la isku galiyo, iyadoo la eegayo dano dhaqaale, xigaallo (ehel) ama saaxiibnimo, tiiyoo meesha laga saaray dookha qofka in uu qayb wayn ka ciyaaro taabogalka iyo guusha guurka.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 05:30 and have
, Published at