* U Ogalaaw In Uu Ku Sugo : arinkaan waxaa laga yaabaa in uu adag yahay , marka gacaliyahaaga fariin ku soo qoro si deg deg ah ha uga jawaabin , ugu yaraan 30 daqiiqo sug oo ka dib u jawaab.
* Ha Buun Buunin : Hadii uu kuu soo diro fariin kaliya u jawaab ha u dirin farimo badan , muhiimada waxa ay tahay in aad isaga ka yeeshid mid kula hadlaya .
* Arimo Kale Ihtimaamka Sii : Marka aad la hadleyso xabiibkaada waxaad sameeysataa qodobo aad kala hadleyso , haka yeelin in uu u maleeyo in kaliya isaga ka fikireyso oo danahaaga kale aad iloowday.
* Ha Dhigin Balan Been Ah : Wax qasbaya ma jiro in aad u sameneysid wax waliba oo uu kaa dalbado , taasi xal ma aha ogoow mana ka dhigeyso arintaas mid kuu soo jawaaba .
* Ha U Dirin Sawirkaada : ha u dirin fariin uu sawirkaada ku jiro maxaa yeelay saaxibadiisa ayuu tusayaa ogoow kaligiis kuma koobnaanayo sawirkaas mana ka soo jawaabayo inta badan fariimahaaga.
* Ha Weydiin Waxa Uu Deg Deg Uga Soo Jawaabeyn Fariimahaaga : tani ninka waa uu neceb yahay waxa ayna u muujineysaa in dhan waliba aad isaga kaga baahan tahay .
Ogaaw Qiimahaaga : waxaa muhiim ah in aad ogaato in aad leedahay qiimo aad u sareeya , gacaliyahaagana uu ku qasban yahay in uu ku dhageysto kuna farxad giliyo si uu u helo raali ahaanshaaga , ha isku dayin in aad baacsato oo aad cadaadis saarto.
_____________________________
Xafiiska Shabakada warcadnet
Usa-Alaska
ceelka@gmail.com
www.warcadnet.blogspot.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:30 and have
, Published at