Toddobada Sheey ruuxii Sameeyaa Malaa’ikta Ayaa U Duceysa, Kala Baro Toddobadaas Arrimood..

Toddobada Sheey ruuxii Sameeyaa Malaa’ikta Ayaa U Duceysa, Kala Baro Toddobadaas Arrimood..

daajis.com:- TODDOBA SHEEY QOFKII SAMEEYA MALAA’IKTA AYAA U DUCEYSA.

Toddobadaas Shey waxey kala yihiin:-

1- SUGIDDA SALAADA LAGU SUGO SALAADA KALE.

Rasuula CSW, wuxuu yiri:- Qofkiin Intuu Fadhiyo Halkuu Salaada ku Dukaday, uusana Adduun ka Shekeen (Ama Aysan Weysada ka Jabin) Waxa u Duceyso Malaa’ikta, waxeyna Dhahan:- Alloow u Dembi Dhaaf oo u Naxariiso Adoonkaaga.

2- QOFKA SALAADA KU TUKADA SAFKA HORE AMA KAN KU XIGA.

Nabiga CSW, wuxuu yiri:- Allaah SW iyo Malaa’iktiisa Waxey u Duceyeen Qofka ku Tukaday Safka Hore, Asxaabta waxay yiraahdeen:- Rasuul Alloow Safka Labaadna? Nabiga CSW, wuxuu yiri: Haa wuu ka mid yahay Safka Labaad.

3- QOFKA SALAADA SUBAX KU TUKADO JAMEECADA.

Nabiga CSW, wuxuu yiri:- Ruuxii Salaada Subax Tukado, oo Fariisto Halka uu ku tukaday Salaada, waxaa u Duceyso Malaa’ikta, waxeyna yiraahdaan:- Alloow Adoonkaaga u Dembi Dhaaf oo u Naxariiso.

4- QOFKA SALAADIISA AAMIINTA KU DARO MARKASTA.

Nabiga CSW, wuxuu yiri:- Ruux Ma Jiro Dhaho Aamiin Xilliga Salaada ilaa Hadduu Jiro, Aamiintiisa Haddu Alle Waafajiyo Xilliga ay Malaa’ikta Aamiin Dhaheyso waxaa loo Dhaafaa Dembigiisa Hore iyo kiisa Dambe.

5- DUCADA QOFKA WALAALKIIS MUSLIMKA AH U DUCEEYO ISAGOO KA MAQAN.

Rasuulka CSW, wuxuu yiri:- Qofkii u Duceeya Walaalkiisa Muslimka ah Isagoo ka Maqan, waxaa Madaxiisa Istaago Malag loo soo Wakiishay ilaa uu Ducada ka Dhameeyo, wuxuu leeyahay Malaga Aamiiin, Adigana waxaad leedahay Inta ugu Duceysay oo kale.

6- QOFKA ALLAAH DARTIIS U BIXIYO XOOLAHIISA.
Nabiga CSW, wuxuu yiri:- Ma jiro Qof Bixiyo Xoolo ilaa Haddu jiro, waxaa soo Dego Labo Malag, kan Koowaad wuxuu Dhahaa: ilaahoow Sii wuxuu Bixiyay oo kale, midka Labaadna wuxuu Dhahaa: ilaahoow wuxuu Heysto u Barakeey.

7- QOFKA DADKA BARO KHEERKA & WANAAGGA.

Rasuulka CSW, wuxuu yiri:- Allaah SW, iyo Malaa’iktiisa iyo Reeraha Samawadka iyo Reeraha Dhulka iyo Khuraanshada Godkeeda ku jirto ilaa Kalluunka Badda ku jiro, waxay u Duceeyaan Qofka Dadka Kheerka Bara.

Wabillaahi Towfiiq.
(ALLOOW KHEERKA NA WAAFAJI).


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada