daajis.com:- Waxaa jirto shan qodob oo raga xaaskooda ay ku jecelyihiin hadii ay u samaysana uusan waligiis ilaabi doonin ayaan rabaa inaan idin soo gudbiyo ,runtiina hela qof nasiib leh waxayna kala yihii shantaan qodob:
1.Diin.
2.Muwaafaqa ama daacadnimo.
3.Samir.
4.Daryeel.
5.Dareen.
Runtii waa shan qodob oo hadii ay noqdaan ama ay iska raaraadiyaan dumarka muslimiinta ah uusan ninkooda waligood ilaabi doona.
Waxaan rabaa inaan mid mid aan u dul istaagno insha alaah.
1.Diin:waa in ay tahay qof diin leh waayo nabigeena NNKH ayaa yiri marka uu ka hadlaayay guurka ayaa sheegay in naagaha lagu guursado 4qodob sida diinteeda quruxdeeda ,dhaqaale,nasab,intaas markuu sheegay nabaiga naxariis iyo nabad gelyo korkiisa ha ahaatee ayaa yiri kudadaala mida diinta leh si aad u guuleysato.
Sidaa daraadeed waxaa muhiim ah in diirada la saaro sidii lagu heli lahaa mid diin leh.
2.Muwaafaqa ama raaliyad:waa in ay tahay mid muwaafaqa ah ama raaliyad ah oo ninkeeda amarkiisa qaadata aanan ka aheyn wixii alle SW wax alle wuxuu raali ka yahay.
3.Samir:waa in ay tahay qof samir badan mushkilad kasta oo soo wajahda inta ay la nooshahay
Dhibaatadaas waa in ay ku samirtaa tusaale sida ninkeeda hadii ay soo wajahdo mushkilada dhaqaale ileen aduunyadaaan marba waa xaalad .
Hadii ay xaalada kasta ay kula samirto ninkeeda iyo caruurteeda xaaska noocaas ah waligeed ma ilaabi doona ninkeeda.
4.Daryeel:marka laga hadlaayo daryeelka waxaa weeye waa daryeelka khaaska ah oo dhan walba ka daryeesho ninkeeda hadii ay ahaan laheed dharka uu xiranaayo oo uu ku labisanaayo inay daryeesho nadaafadiisa ,sidoo kale daryeelka waxaa ka mid ah dhanka cuntadiisa ,gogoshiisa,ninka qaraabadiisa iyo daryeelka caruurta waxaas oo dhan ayaa laga rabaa in ay samayso naagta ama daryeesho,hadii ay sidaa sameyso naagta ninkeeda waligiis ma ilaabi doona.
5.Dareen.marka laga hadlaayo waa uu fara badan yahay waxaana ka mid ah waa in ay ilaalisaa ninkeeda dareenkiisa dhanka reerkiisa ama goyskiisa.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:00 and have
, Published at