Wasiirka Amniga Puntland oo Lagu Dhaawacay Israsaaseyn ka Dhacday Magaalada Boosaaso (VIDEO)

Wasiirka Amniga Puntland oo Lagu Dhaawacay Israsaaseyn ka Dhacday Magaalada Boosaaso (VIDEO)

daajis.com:- Wararka ka imaanaya Magaalada Boosaaso ee xarunta Ganacsiga ee maamulka Puntland ayaa sheegaya in Wasiirka Amniga ee Maamulkaasi Cabdi Cali Xersi (Qarjab) lagu dhaawacay Magaalo xeebeed kaasi.

Dhaawaca Wasiirka ayaa la sheegay inuu yimid, kadib markii uu Wasiirka isku dayay inuu dhex dhexaadiyo Saraakiisha ciidamada Booliska iyo Birmadka oo muran ka dhex taagnaa.

Sababta muranka keentay ayaa la sheegay inay tahay Taliyaha Ciidamadda Booliiska Puntland Gen. Cabdiraaq Maxamuud Afgaduud oo doonayay in la tiro koobo askarta, balse waxaa ka biyo diidsanaa Taliyaha Ciidamada Birmadka Afdolow.

Muran kadib ciidamada ayaa rasaas isweydaarsday, xilli Wasiirka uu ku dhexjiray, waxaana taasi ay keentay inuu dhaawacmo Wasiirka Amniga Puntland.

Warar kala duwan ayaa ka soo baxaya dhaawaca Wasiirka Amniga Puntland, wararka qaar ayaa sheegaya in dhaawiciisa uu yahay mid fudud.

Sidoo kale Wararka qaar ayaa sheegaya in Guddoomiyaha Gobolka Bari, isagana uu ku dhaawacmay dagaalka ciidanka dhexmaray, inkastoo aanan la hubin Guddoomiyaha.

Dhaawaca Wasiirka Amniga Puntland ayaa ku soo aadaya, iyadoo Madaxweynaha Puntland C/wali Gaas uu ku sugan yahay Magaalada Boosaaso.




FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 19:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada