daajis.com:- Bilihii ugu danbeeyay waxaa dadka Muqdisho ku nool waxaa fara ba’an ku haayo cudur safmar ah oo yar iyo weyn sariirta ku aruuriya, kaasoo ay Soomaalida ugu magac dareen Kaduudiyoow, waxaana markii ugu horeysay lagu arkay Soomaaliya sanadkii 2005-kii. Hadaba si aad wax badan ugu ogaado cudurkaan waxaa idiin soo gudbineynaa warbixin ka hadleysa “waa maxay cudurkaan Kaduudiyaha ah”
Kaduudiye ama Kaduudshe, waa magac ay Soomaalidu ula baxday xanuun safmar ahaa oo ka dillaacay somalia sanadkii 2005.
Inkastoo xanuunka waagaas lagu wareeray oo dhakhaatiir badan oo bahda caafimaadka ah isku khilaafeen, qaar waxay dhaheen waa Dengue fever, qaarne waxay dhaheen Rift valley fever”.
gaduudiyoowLaakiin magaca saxda ee xanuunkaan waxaa la dhahaa “Chikungunya”, waa xanuun uu keeno jeermiska fayraska, waxaana lagu kala qaadaa qaniinyada kaneecada, waa sida malaariyada oo kale, calaamadaha ugu badan oo uu qofka dareemo waa qandho, kalagoysyo xanuun, kalagoysyo barar, madax xanuun iyo murqo xanuun, marmarka qaar wuxuu wataa faruuruc jirka ka soo yaaco.
Magaca xanuunka “Chikungunya” asal ahaantiisu waa luqadda sawaahiliga, macnihiisuna waa: “qallooc u socod”, qofka xanuunkaan qabo si toos ah iskuma toosin karo markuu soconayo, waa inuu is qalloociyaa xanuunka dartiis.
Waa xanuun laga yaqaano wadamada sawaahiliga ku hadlo iyo jasiiradaha ku teedsan badwaynta hindiya, laakiin waa xanuun si sahlan ugu faafi karo meelo cusub, waxaa la sheegay inuu mareekanka oo aan laga aqoonin xanuunkaan uu gaaray sanadkii 2013, lana aamisan yahay in laga soo dhoofiyay bariga afrika!!.
Kaduudiye halis ma noqdaa?
Xanuunkaan badanaa dilaa ma ahan, laakiin qofka dhowr maalmood ayuu howlgab ka dhigaa, mana ahan xanuun tallaal iyo daawo toona leh, waxaa ugu muhiimsan in qofka xanuun baab’iye iyo qandho jabiye u qaato inta uu xanuunka ka gudbayo, waa inuu qofka cabo biyo badan si uu uga fogaado halista fuuqbaxa, waana inuu ku dadaalo nasiino. Ka fogow in aad qaadato daawo antibiotic ah, xanuunka wuu kaaga sii dari karaa!!.
Dadka badanaa u safro meelaha uu xanuunkaan ka jiro waxaa lagula taliyaa in ay ka fogaadaan qaniinyada kaneecada, ayna jiiftaa qolol daaqadaha iyo albabaha u furan yihiin.
Muxuu xanuunkaan kaga duwan qandhada Rift Valley iyo qandhada Dengue?
Inkastoo sadaxda cudurba ay gudbiso kaneecada loo yaqaano “Aedes”, laakiin xanuunkaan wuxuu kaga duwan yahay inuusan lahayn dhiigbax, labada xanuun ee Rift Valley iyo Dengue waxay leeyihiin dhiigbax, tanoo qofka u dhiman karo.
Xanuunka kaduudiyaha sidee ayaa loo baaraa?
Xanuunka waxaa lagu gartaa qandho iyo kalagoysyada oo dhan oo qofka xanuuno, laakiin waxaa jiro baaritaan lagu dhiig ah oo lagu ogaanayo feyraska keeno kaduudiyaha, mana ahan baaris meel kasto laga helo, laakiin wadamada lagu yaqaano waa laga helaa baaristaas, waxayna jawaabtu qaadataa usbuuc illaa laba usbuuc inta u dhaxayso.
Xanuunkaan ma ahan xanuun dhulka soomaalida ku dhaco, laakiin si sahlan ayaa loo geyn karaa, hadduu yimaado qof xanuunkaas qabo, si sahlan ayuuna ku faafi karaa maadaama kaneecada kala gudbiso laga helo dhulkeena.
Kaduudiyaha dilaa ma ahan badanaa, laakiin wuxuu qofka ka dhigaa tacbaan sidii qof jajaban oo kale, dhaqaaqane wuu uga sii daraa qofka, qofkii uu ku dhacayne wuu xasuustaa calaamadihiisa.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 23:00 and have
, Published at