daajis.com:- Isu-duwaha mashruuca “Tubta Toosan” oo ah hay’ad Istaraatiijada qaranka ee ka hortaga iyo la dgaalanka argagixisada Mustaf Dhuxulow iyo La-taliyihiisa Inj. C/raxmaan Yariisoow ayaa magaalada Nairobi kula kulmay madaxda safaaradda Mareykanka ee Nairobi iyo xubno ka socda sirdoonka iyo la dagaalanka argagixisada, waxaana kulankaasi barbar socday taageero dhaqaale oo “Tubta Toosan” loogu talagalay.
Wakiilka ugu sareeya ka hortaga iyo la dagaalanka argagixisada ee bariga iyo geeska Africa u qaabilsan Taliska Mareykanka ee Jabuuti ayaa kulankaasi qeyb ka ahaa, waxaana Mustaf Dhuxulow iyo safaaradda Mareykanka kala saxiixdeen heshiis ku saleysan soo gudbinta xogaha iyo macluumaadka argagixisada, iyadoo mashruucaan uu qeyb ka yahay in dhalinyarada laga wacyi geliyo halista argagixisada.
Hal milyan iyo bar dollar oo la guddoon siiyay agaasimaha “Tubta Toosan” Mustaf Dhuxulow ayaa qeyb ka ah hordhaca dhaqaale lagu taageerayo ka hortaga halista argagixisada Soomaalia.
“Tubta Toosan” ayaa siminaar mudo labo maalmood socday 4-5 bishan waxay ugu qabaday mas’uuliyiin ka socday maamulada dalka ka jira, kaasoo looga hadlayay halista iyo ka hortaga argagixisada dalka ka jirta.
Xubnihii siminaarkaasi ka qeybgalay ayaa markii uu soo gabagabooway, waxaa ay isku af garan waayeen heshiis horay u dhex maray oo dhinaca taageerada dhaqaale ku saabsanaa, iyadoo madaxdii ka qeybgashayna ay markii danbe si caro leh ugu soo laabteen deegaanadii ay ka kala tageen sida gobolka Banaadir, Galmudug, Puntland, Koonfur Galbeed iyo Jubbaland. waxayna eedeynta ugu badan u jeediyeen Ing. C/raxmaan Cumar Yariisow lacagtii loogu talagalay la wareegay.
Mashruuca “Tubta Toosan” oo mudo ka yar lix bil jiro ayaa hadda u muuqda mid sanado badan soo shaqeynayay iyo taageerada caalami ee uu ka helayo dalalka daneeya xogaha argagixiso ee dalka Soomaaliya ka jira.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:30 and have
, Published at