daajis.com:- Aabaha dhalay wiilkii 50 qof ku dilay Magaalada Orlando ee Gobolka Florida ee dalka Maraykanka oo lagu magacaabo Mir Seddique, ayaa la hadlay warbaahinta, una sheegay inay aad uga naxeen dhibkii uu gaystay wiikiis.
Wiilkan oo lagu magacaabijiray Omar Seddique Mateen ayaa goob discotheek ah ku dilay 50 qof, halka 53 kalana uu ku dhaawacay. Baarkan ayaa ahaa goob ay ku kulmi jireen lagarooneyaasha.
Mir Seddique, ayaa wariyaha u sheegay in weerarka ceynkani oo kala ah aanu wax xiriir ah la lahayn Diinta Islaamka.
Dhanka kale Hay’adda FBI-da Mareykanka, ayaa ugu yaraan laba goor wareysatay Omar Mateen, ka hor intii aanu weerarkani gaysanin.
Ninkan ayaa wax badan laga waraystay xiriir uu la sameeyay Munir Mohammad Abu Salha oo u dhashay dalka Mareykanka, hase ahaatee isu qarxiyay dalka Suuriya sanado ka hor.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 21:00 and have
, Published at