AKHRI: Fariimo yaab leh oo laga helay Mobilkii Xildhibaan Kabaweyne kadib geeridiisa

AKHRI: Fariimo yaab leh oo laga helay Mobilkii Xildhibaan Kabaweyne kadib geeridiisa

daajis.com:- Waxaa soo baxaaya xogo dheeraad ah oo laga helaayo dhaqdhaqaaqii ugu danbeeyay ee Marxuum Xildhibaan Kabaweyne oo June 1, 2016 kamid noqday Mas’uuliyiintii Dowlada uga geeriyootay weerarkii Hoteel Ambassador.

Ilo wareedka xogtaani nala wadaagay ayaa sheegaya in Seddexdii Asbuuc ee ugu danbeysay uu Marxuumka Kabaweyne ahaa mid la kulmaayay Hanjabaado lixaad leh oo kaga imaaneysay dhinacyo kala duwan.

Hanjabaadaha laga helay Mobilka Marxuum Xildhibaan Kabaweyne, ayaa isugu jira 2 qeyb oo qeyb kamid ah ay tahay codad dhageysi ah, halka hanjabaada kale ay aheyd kuwo qoraal ah.

Hanjabaadahaani oo ahaa kuwo Marxuumka loogu hanjabaayay in la khaarijin doono haddii uusan faraha kala bixin howlihii ugu danbeeyay ee uu ku howlanaa ka hor inta uusan weerarka ku dhiman.

Codadka dhageysiga ah ayaa waxaa kamid ahaa kuwo ay u jeediyeen maleeshiyaadka Al-shabaab iyo kuwo ay u jeedinayeen mas’uuliyiin ka tirsan Dowlada kuwaasi oo sadbursi uu kala dhexeeyay.

Saraashiisha FBI-da ka joogta Somalia ayaa la sheegayaa inay baaren Mobilka Marxuumka, ka gadaal markii geerida Xildhibaanka uu ka dhashay muran Siyaasadeed.

Hanjabaadaha loo jeedinaayay ayaa waxaa kamid ahaa:-

1-In faraha uu kala baxo dhaliilaha uu ujeedinaayo Al-shabaab.

2-Inuu dalka isaga baxo haddii kale la dili doono.

3-In lagu weerari doono gaarigiisa islamarkaana uusan baxsan doonin.

4-Inuu faraha kala baxo arrimaha Badda Somalia iyo Kenya ee uu muranka ka taagan yahay, haddii kale uu arki doono musiibo.

5-Hanjabaada waxaa kamid ahaa mid kmaid ah Taliyayaasha Hay’adaha amaanka dalka oo u jeedinaayay Hanjabaad ku aadan in faraha uu kala baxo howlaha lagu dhaleeceynaayo Dowlada.

Xogaha laga soo saaray Mobilkiisa ee dhageysiga iyo Qoraalka isugu jiray ayaa waxaa u badnaa kuwo salka ku haya Siyaasada iminka taagan ee DFS iyo kuwo ay si gaar ah ugu soo dirayeen maleeshiyada Al-shabaab.

Xogta laga helay Mobilkiisa ayaa waxaa kamid aheyd in lala socdo goobaha uu magaalada Muqdisho ka degan yahay sida Hoteel Makka Al-mukarama iyo Ambassador oo markii danbe lagu dilay.

Dhanka kale, Xogaha Mobilka laga helay ee sababay Hanjabaada ayaa waxaa kamid ahaa Ganacsi uu ku jiray, kaasi oo u muuqday mid uu muran ka taagnaa.

FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada