Baarlamaanka oo meel mariyay Hindise Sharciyeedka maxkamada Dastuuriga

Baarlamaanka oo meel mariyay Hindise Sharciyeedka maxkamada Dastuuriga

daajis.com:- Gudoomiyaha Baarlamaanka Federalka Somaliya Mudane Maxamed sh/ Cismaan Jawaari oo Maanta shir Gudoominaayay kulankii Maanta ayaa Xildhibaanda Baarlamaanka markale xusuusiyay Muhiimada ay leedahay in ay wax ka badal ku sameeyaan Dastuurka oo ay u Codeeyaan si loo badbaadiyo Dastuurka.

Gudoomiyaha Gudiga Dib u eegista Dastuurka KMG ee Baarlamaanka Xildhibaan Maryan Cariif Qaasim ayaa sidookale Munayasha ka Codsatay inay Badbadiyaan Dastuurka oo ay wax ka badal ku sameeyan si loo Meel Mariyo.

Xildhibaanada Baarlamaanka  ayaa guda galay u Codeynta Hindise sharciyeedka Maxkamada Dastuuriga oo soo maray Marxalado kala duwan, waxana Codeyn gacan taag ah ku ogolaatay 148 sharciyeedka sida uu ku dhawaaqay Cudomiyaha Baarlamaanka Fedelaka ah ee somaaliya Mudane maxamed sheekh Cismaan Jawari.

Xildhibaanada ayaa u Codeyay in wax ka badal lagu sameeyo hindise sharciyeedka Dhismaha Gudiga madaxda banaan ee Xuduudaha iyo Federalka, si loo kordhiyo Mudada Jiritanka Gudiga sharciyeedka , Maadaama sharcigaas uu farayo qodobkiisa 10aad in Gudiga uu la dhamaanayo Jiritaanka Gudiga baarlamaanka Tobnaad oo ka dhigan in uu sii shaqeynaayo ilaa Iyo 2020-ka,


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 03:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada