daajis.com:- Ciidamada nabad sugida qaranka ayaa waxa ay Magaalada Muqdisho ku soo bandhigeen saddex nin oo lala xiriirinayo inay ka tirsan yihiin Ururka Al Shabaab, oo lala soo qabtay hub, rasaas iyo aaladaha laga suubiyo qaraxyada.
Raggan ayay ciidamadu gacanta ku soo dhigeen kadib Hawlgal ay Ciidanka Hay’adda Nabad Suggida & Sirdoonka Qaranka ee (NISA) ka sameeyeen Deegaanka Ceelasha Biyaha ee magaalada muqdisho.
Hubka la soo bandhigay, ayaa ka koobnaa afar qori oo AK47 ah, bistoolado gaaraya afar xabo, rasaasta qoryaha RBG iyo hoobiyaha iyo agabyo loo adeegsado walxaha qarxa.
Waxaa jira nin kaloo afaraad oo Ciidanka Nabad Suggida ka caawiyay soo qabashada raggan, balse looma soo bandhigin Warbaahinta.
Afhayeenka Maamulka Gobolka Banaadir, C/fitaax Cumar Xalane oo Saxaafadda kula hadlay Xarunta Godka Jilicow oo lagu soo bandhigay raggan iyo hubkaba, ayaa sheegay in ragani ay qorshaynayeen weeraro ay ka gaystaan Magaalada Muqdisho.
Afhayeenka ayaa sheegay in laamaha ammaanka ay baaritaano dheeraad ihi marsiin doonaan raggaasi, isla-markaana ay horkeenayan cadaaladda, si sharciga loogu qaado falkii lagu soo qabtay.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 16:00 and have
, Published at