daajis.com:- Madaxweynaha maamulka Puntland ayaa furitaankii kalfadhiga Baarlamaanka ka jeediyey Khudbad uu diirada ku saarey waxyaabihii u qabsoomey xukuumadiisa muddadii ka danbeysey kalfadhigii hore ee bishii Oktoober 2015, shirarkii doorashada Soomaaliya, Safaro uu ku tagay dibada, dhismaha Garoonka Bosaso, Amaanka, Siyaaasada, Dhaqaalaha iyo arimo kale.
C.wali gaas ayaa wuxuu sheegay in wax qabadkii ugu waynaaa uu ahaa Dagaalkii ay la galeen Maleeshiyada al-shabaab ee kusoo duulay dhinaca Xeebta “Guusha waxaa soo hooyey Ciidanka, Cadowga waxaa laga dilay 450, Hadii aad Cadowgu ku dilo, waxaad tahay Shahiid, Hadii aad Cadow soo duulay iska difaacdo waxaad tahay Mujaahid” Ayuu yidhi.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 18:20 and have
, Published at