Daawo:- Gen: Moorgan oo yimid Garoowe iyo Qorshihiisa

Daawo:- Gen: Moorgan oo yimid Garoowe iyo Qorshihiisa

daajis.com:- Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya oo aad looga yaqaan guud ahaan deegaanada dalka Soomaaliya ayaa soo gaadhay Magaaada Garoowe, waxaana maanta lagu dhex arkay xarunta Golaha Baarlaamaanka, Puntland halkaasoo uu ka furmayay Kalfadhiggooda 37-aad.

Moorgan ayaa bilihii la soo dhaafay ku sugnaa Magaalada Muqdisho,waxaana loo magacaabay La Taliyaha dhinaca Milateriga ee Xafiiska Ra’iisul-wasaaraha Dowladda Soomaaliya, Jeneraalka Moorgan ayaa Tababaro ku soo qaatay dalalka Talyaaniga iyo Maraykanka,waxaana uu Wasiirka Gaashaandhiga ka soo noqday Xukumadii Alle ha u naxariistee Madaxwayne Maxamed Siyaad Barre.


Wasiirkii hore ee Gaashaandhigga Soomaaliya, Maxamed Siciid Xirsi (Moorgan) ayaa doonaya inuu ka mid noqdo Aqalka Sare ee Baarlamaanka Federaalka Soomaaliya (The Upper House of the Federal Parliament), balse Puntland ayaa ka dhaadhicinaysa in loo baahan yahay oo xubin muhiim ah loo dhiibo.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 04:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada