Daawo Muuqaal: Madaxwayne Xasan oo magacaabay Guddiga Doorashooyinka iyo meelaha ay kala matalayaan (VIDEO)

Daawo Muuqaal: Madaxwayne Xasan oo magacaabay Guddiga Doorashooyinka iyo meelaha ay kala matalayaan (VIDEO)

daajis.com:- Madaxwaynaha Soomaaliya Mudane Xasan sheekh maxamuud ayaa u magacaabay guddiga doorashooyinka Soomaaliya xubno ka kooban 22 qof. sidookale waxaa Guddigan magacyadooda loo gudbiyay beesha Caalamka iyagoo shaqadoodu tahay fududeynta Doorashada la filayo in dhawaan dalka ka dhacdo.


Guddigan la magacaabay ayaa isugu jira Shan Wasiir oo katirsan Xukuumada Soomaaliya, min labo Wasiir oo kasocda maamul goboleedyada dalka ka jira iyo xubno kale oo iyana matalaya sadaxda Xafiis ee Madaxda Dowlada Soomaaliya sida Madaxtooyada, Xafiiska R/Wasaaraha iyo kan Gudoomiyaha Baarlamaanka.

Hoos ka Akhriso Magacyada Guddiga Doorashooyinka Soomaaliya

1-Cabdiraxmaan Maxamed Xuseen Odowa, Wasiir DFS
2-Maxamed Jaamac Mursal, Wasiir DFS
3-Xuseen Maxamed Sheekh Xuseen, Wasiir DFS
4-Sahra Maxamed Cali Samatar, Wasiir DFS
5-Maxamed Cabdi Xayir, Wasiir DFS
6-Saalax Axmed Jaamac , Aqoonyahan
7-Maxamed Kaynaan , Aqoonyahan
8-Nafiisa Geedi Santuur, Aqoonyahan
9-Cabdiraxmaan Xaashow , Aqoonyahan
10-Barlin Cadami , Aqoonyahan
11-Cabduweli Xirsi Cabdulle , Wasiir Puntland
12-Saadiq Abshir Garaad , Aqoonyahan PL
13-Aadam Ibraahim Aw-xirsi , Wasiir Jubaland
14-Cabdicasiis Shiikh Xuseen Dayib, Aqoonyahan JL
15-Cabdiraxmaan Aadan sate , Wasiir Koonfur Galbeed
16-Maxamed Cabdi Nuur, Aqoonyahan Koonfur Galbeed
17-Xuseen Qaasim Yuusuf , Wasiir Galmudug
18-Cabdulaahi Salaad Yarow, Aqoonyahan Galmudug
19-Axmed Maxamed Siciid, Somaliland
20-Fardowsa Maxamed Ducaale , Somaliland
21-Aamina Cabdulaahi Dheerow, Gobolka Hiiraan
22-Raaxo Maxamed Janaqow, Gobolka Sh/dhexe.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 00:00 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada