daajis.com:- Muuqaalkii ugu horreeyay ayaa laga soo duubay Deegaanka Halgan oo dagaal culus ku dhexmaray Ciidanka Al-shabaab, ciidamada Dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM, Kadib markii Maamulka Dowladda Somalia iyo Saraakiisha Itoobiya ay Ogolaaday in Koox Wariyeyaal ah tagaan magaalada si halkaa ay idhahooda ugu soo arkaan khasaaraha ka dhashay dagaalka.
Waxaa lasoo bandhigay meydadka Dagaal-yahanno ka tirsanaa Al-shabaab oo meelo kala duwan lagu Dilay, Waxaana ka mid ahaa ragga la soo bandhigay shaqsi u muuqday Ajnabi oo la sheegay inuu ka bar bar dagaallamayay kooxda, Sidoo kalana Meydadka ayaa intooda badan rasaastu kaga tiilay madaxa, halka qaar kalana laga toogtay Laabta.
Ma jirin khasaare badan ama bur bur ka muqday xaafaddaha magaalada, balse guud ahaan marka aad eegto magaalada Waxaa si weyn laga dareemayay saameynta uu dagaalkaasi ku reebay deegaanka, Dowladda Soomaaliya, Itoobiya iyo AMISOM ayaa isku khilaafay ka hadalka tirada saxda ah ee looga dilay Al-shabaab dagaalka, hase ahaatee muuqaalkan laga soo duubay goobihii lagu Dagaallamay ayaa muujiya in uu jiro khasaare baahsan oo gaaray xoogagga Weerarka soo qaaday.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 03:01 and have
, Published at