DAAWO Muuqaalo: Faysal Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen oo Dacwadoodii ay furantay iyagoo waxba aan isku reeban

DAAWO Muuqaalo: Faysal Waraabe iyo Jamaal Cali Xuseen oo Dacwadoodii ay furantay iyagoo waxba aan isku reeban

daajis.com:- Waxaa maanta magaalada Hargeisa ka furantay Dacwadii u dhaxaysa labada Garab ee Xisbiga UCID oo Mudooyinkii ugu danbeeyay uu Khilaaf Xoogan ka dhex taagnaa.

Faysal Cali Waraabe oo ka hadlay Dacwada Maanta ka furantay ayaa wuxuu sheegay inaanu Jamaal Cali Xuseen aanu ahayn maanta laga Bilaabo ahayn Musharax.

 ” Sharciga ayaa lagu kala soconayaa, Hablahaa I jecel,  iyo waa la ii Codaynayaa, Waxaas Musharax lagu Noqon maayo, waanu ku Qancayaa Go’aanka kasoo baxa” Ayuu yidhi Faysal Cali Waraabe.



Dhinaca kale Jamaal  Cali Xuseen  ayaa wuxuu sheegay inaanu Marnaba Aqbali doonin Dulmi, Wuxuuna sheegay inuu Mudo 4-sano ah Xisbiga uu soo dhisayey.


“Markii ay doorashadii soo dhowaatay Musharax ma tihid, Mid aan Aqbalayo maaha, waa Dulmi Cadaan ah, Ninkaa wayn ee Faysal Cali Waraabe, waxaanu ka Rabnay inuu na Hogaamiyo ee Inaanu Maxkamad iskula Jirno waa ayaan daro” Ayuu yidhi Jamaal Cali Xuseen.


FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.

_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com



Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget





share this article to: Facebook Twitter Google+ Linkedin Technorati Digg
Posted by Bulsha Arrimaha Bulshada, Published at 22:30 and have

U Kaalmey Walaalaha Soomaaliyeed

Guriga Arimaha Bulshada