daajis.com:- Maxkamadda ciidamada Puntland ayaa maalintii Khamiista xukun dil ku riday 43 kamid ah Al-shabaabtii lagu soo qabtay dagaalkii Suuj iyo aaga Garacad, waxayna Puntland tilmaamay in kuwa la xukumay ay yihiin Rag waaweyn.
Xeer ilaaliyaha Maxkamada Cabdullaahi Ciise Xirsi ayaa xusay inay hareen 54 kamid ha maxaabiistii oo sheegtay da’ yar, wuxuuna tilmaamay inay baaritaan wadeen mudo markii dambe ay xukumeen 43-da. Maxaabiistan lagu soo qabtey dagaalka ayaa lagu qaadey xukunka argaggixisada ee maxkamadda ciidamada qalabkasida, waxaana lagu soo oogey in ay ahaayeen al-Shabaab kuwaas oo duulaan ku soo qaadey Puntland.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 05:00 and have
, Published at