daajis.com:- Nin hubeesan ayaa weerar ku qaaday xarunta Jaamacada UCLA magaalada Los Angeles gobalka California, waxaana la xaqiijiyay in weerarkaasi ay ku dhinteen labo qof uu ku jiro ninkii hubeesan ee galay xarunta Jaamacada.
Booliiska ayaa Sheegay in Weerarkan uu ka dambeeyay nin hubeesan, kaa oo gudaha Jaamacada ku dilay Professor William S Klug oo wax ka dhigi jiray qeybta Injineeriga ee Jaamacada UCLA, ninka hubeesan ayaa isna goobta isku dilay kahor inta aysan booliiska soo gaarin.
Ciidamada booliiska ayaa markii ay gaareen xarunta Jaamacada UCLA, waxa ay halkaasi ka sameeyeen baaritaano xoogan, waxa ayna qol qol u baareen qeybaha kala duwan ee Jaamacadan ay dhiganayeen arday gaareysa 43-kun.
Wali lama oga sababta ka dambeysa Weerarkan ninka hubeesan uu ku qaaday Jaamacada UCLA,waxaana dalka Mareykanka inta badan ka dhaca weeraro nuucaan oo kala ah ay geestaan dad hubeesan.
FADLAN LIKE SII BOGGA DAAJIS.COM EE FACEBOOK.
_____________________
Xafiiska Shabakada Daajis.com
USA-Alaska
Ceelka@gmail.com
www.daajis.com
Facebook Blogger Plugin by deercali.blogspot.com | Get Widget
Posted by 12:24 and have
, Published at